Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Hirshabelle ayaa Magaalada Muqdisho ugu qeybgalay shirka Wadatashiga Ha,addaha Dowladda Iyo Unicef ee Qorshaha shanta Sano (Unicef New Country Program 2026-2030), Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen dhamaan Wasaaraddaha Arrimaha Bulashada ee Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Hirshabelle Mudane Mohamed Muse, ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayo Qorshaha Shanta Sano ee soo socoto, (2026-2030) ayadoo diiradda lasaaraayo qorshaha hormarinta dalka sidoo kalene wax laga baranaayo caqabadaha horay loo soo arkay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta Iyo kheyraadka Biyaha ee Dowladda Hirshabelle , ayaa ka mahadceliyay soona dhaweeyay wada-shaqeynta wanaagsan ee Unicef la,leedahay Ha,addaha Dowladda sidoo kalene waxuu xusay in laxoojiyo shirarka Iskudiwidda Howlaha WASHka si wadajir aan wax u wada qorshayno dhamaan bahda nagala shaqeeyo WASHka, sidoo kalene loo suurto galiyo in bulshada hesho biyo nadiif ah.
Â
-DHAMAAD-
Wixii faah-faahin ah kala Xiriir Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Tamara Iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Hirshabelle Mudane Muse Mukhar, +252 615578861



